Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Waxay Ka Doorbidaan In Ubadkoodu Noqodaan Maal-qabeeno Xagii iyagu Noqon Lahaayeen


Shantii waalid ba mid ka mid ah, ayaa door bida in ubadkiisa noqdaan qaar nolosha ku guulaysta oo hantii yeesha, balse aan danayn in caafimaad iyo farxad ay ku waraan sida ay sheegtay cilmi-baadhis cusub oo ay sameeyeen khubaro Ingiriiska u dhalatay.


Daraasadan oo laga qaaday 2,000 waalid oo da’da ubadkoodu tahay 18 jir, iyadoo lagu ogaaday in 20% ka mid ah waalidkan ay door bidaan lacagta iyo guusha, taasna ay la doonaan in ubadkoodu mustaqbalka helaan. Cilmi-badhayaashu waxay ogaadeen in waalidka intiis badan ay fikrado kala duwan ka qabaan mustaqbalka ubadkooda, sababtoo ah hooyadu waxay aad u jeceshahay in ilmaheedu imtixaanka darajada ugu sarreeya keeno, halka aabbahuna doonaayo inuu farxad uun ku arko.

Daraasadan oo ay soo saareen Kulliyad Lagu Diyaariyo Millateriga oo la yidhaa MPCT (Military Preparation College) oo loogu tagalay ubadka da’doodu u dhaxayso 16 ilaa 19 in culuumta ciidammada millateriga lagu baro, waxa lagu ogaaday in 70% waalidiinu aaminsan yihiin in xirfadda nololeed ay ubadkoodu ka heli karaan mustaqbal iyo waliba guulo noloshooda dambe ah, halka 30% waalidka ka mid ahna sheegeen in tayada aqooneed ay aad muhiim ugu tahay in ay ka dhisaan ubadkooda.

Waa arrin cajiib ah in waalidka qaar ka fikiraan lacag iyo tayo oo ay aad uga muhiimsan tahay shayo kale oo qaali ahaa sida in ubadkoodu caafimaad ku waraan mustaqbalka, inkastoo ay taasi dhiirigelinayso in waalidku arkaan dad xooggan oo tayo iyo xirfad leh in ay mustaqbalka soo saraan, haddana waxa aann aaminsanahay in guusha iyo farxadu tahay mid muhiima, sababtoo ah haddii aan faraxsanahay waa aan guulaysanay, haddii aan guulaysana waan faraxsanahay,” ayuu yidhi Huw Lewis oo ah Agaasimaha MPCT.
Cilmi-baadhistan waxa kale oo lagu ogaaday in qaar ka mid ah waalidku aad uga welwelaan in ubadkoodu shaqo la’aan ku dhacaan marka ay jaamacada dhammeeyaan.



@Wiyeer-yare


Post a Comment

0 Comments