Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Wuxuu Ahaa Sabool Yaraantiisii Maantana Waa Dadka ugu Mushaharka Badan Adduunka (Pual Pogba)


Ciyaaryahanka Pual Pogba oo ay dhaleen qoys ka soo jeeda dalka Guinea (Ginni) ee qaaradda Afrika, waxa uu waqtigan ka mid yahay ragga qaata mushaharka ugu badan dunida amma ciyaaryahannada ugu qaalisan, balse waxa soo maray nolol aad u adag, taasoo la mid ah xaalad ay Soomaalidu u taqaan “Bakhtigaa u xalaal ah,” sababtoo ah sannado yar uun ka hor waxa uu ka mid ahaa dadka ugu saboolsan dunida.


Waxa uu sidoo kale la dhashay laba walaal ah oo kor uga weyn oo laf ahaantoodu ciyaaryahanno ah. Florenin oo ah ka ugu weyn waxa uu u ciyaaraa naadiga Saint-Etienne, halka Mathias uu u ciyaaro xulka dalka Guinea, waxaannu ka saftaa horyaalka Scottish Premiership ee dalka Scotland.

Haddaba, Pogba oo saboolnimo aad u tiro badan ka cararaya waxa uu kubbadda ka dhigtay il dhaqaale ka soo galo, isagoo horumar ka sameeyey intii uu yaraa xirfadiisa, waxaannu aakhirkii noqday ciyaaryahan heer caalami ah, kadib markii uu soo jiitay indhaha kooxda Arsenal ee horyaalka Ingiriiska ka tirsan iyo kooxda Talyaaniga ah ee Juventus.  Paul Labile Pogba waa ciyaaryahan xiddig ah hadda oo u ciyaara naadiga Manchester United iyo waliba xulka Faransiiska, waxannu caan ku yahay jagada dhexda, isagoo waliba ka ciyaari kara weerarka iyo difaaca dambaba, taasi waxay u saamaxday inuu mushahar ahaan u qaato isagoo 23 jir ah toddobaadkii lacag £290,000 giniga Ingiriiska ah, hadda la soco oo markii hore waxa uu ku dhashay magaalada Lagny-Sur Marne ee dalka Faransiiska oo qoyskooda nolol adag ku soo martay.


@Wiyeer-yare - Hamse Bashe

Post a Comment

0 Comments