Madaxweynaha dalka Turkiga Mr. REcep
Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in kala korinta ubadku amma dawooyinka dhalmada
fogeeya aanay ku habboonayn qoysaska islaamka, waxaannu muslimiinta ku
dhiirrigeliyey in ay ubadka badiyaan, kana digtoonaadaan inay iska mudaan
dhasha. Madaxweyne Erdogan waxa uu sheegay in ay tahay masuuliyadda hooyada
inay hubiso in bulshada Turkigu korto amma badato, taasoo sannadihii u
dambeeyey ay ku korodhay 1.3% korodh ah.
“Waxa aan
si cad u leeyahay…waxaan u baahannahay in aan korno tirada nasabkeenna. Dadku
waxay ka hadlaan kala korinta amma xakamaynta dhalmada si ubadku u kala hor
karaan (Family planning), qoys Muslim ah ma fahmayo, mana aqbalayo taas.
Ilaahay iyo Nebigu (NNKHA) waxay ina amreen in aynu darriiqa ku socon doono,
arrintana waxa loo ixtiraamayaa oo ay tahay waajibaadka koowaad ee hooyooyinka,”
ayuu yidhi Erdogan oo khudbad ka jeediyey Istanbul.
Erdogan iyo
xaaskiisa Emine waxa ay leeyihiin laba wiil iyo laba hablood, horraantii
bishanna waxa uu Madaxweynuhu ka qaybgalay xaflad heer sare ah oo inantiisa
Sumeyye loo dhigay, halka inantiisa weyn oo la yidhaa Esra uu dhawaan guursan
doono Berat Albayrak oo la filayo inuu dhawaan noqdo Wasiirka Tamarta Turkiga. Inta
badan hoggaamiyahani waxa uu ka cadhaysiiyaa haweenka u ololeeya xuquuqda
dumarka (Feminists) oo ku dooda in kala korinta ubadku muhiim u tahay bulshada,
gaar ahaan qoyska, balse waxa madaxweynaha Turkigu deedafayntiisa arrintaas u daliishadaa
waxyaabo diinta islaamku oggoshahay, isagoo ka horyimaad wax kasta oo dalalka
reer galbeedku wataan uu u arko in aannu waafaqsanayn shareecada.
Erdogan oo
hadal ka jeediyey maalinta haweenka leeyihiin waxa uu sheegay inuu aaminsan
yahay in haweenku ka sarreeyaan cid kasta, halka sannadkii 2014-kii uu kala
korinta ku tilmaamay inay tahay khiyaamo qaran, taasoo khatar gelinaysa
bulshada iyo jiilasha soo kobcaaya ee bulsho yeelanayso. Marka la eego xogta
rasmiga ah ee Xafiiska Xog-kaydinta Turkiga, waxa lagu sheegay in bulshada
Turkiga ku dhaqan ay tahay 78.741 milyan sannadkii hore, halka sannadkii
2000 bulshadu ka yarayd 68 Milyan, taasoo muujinaya in korodh aad u badan ku
yimmi dadweynaha Turkiga.
@Wiyeer-yar
0 Comments