Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Marooko Waxay Inooga Baahantahay Duco Iyo Garab Istaag

 


Dalka Morocco xili dambe oo Jimcihii ah waxaa kadhacay Dhulgariir naadir ah oo noociisa oo kale uu yar yahay, Dhulgariirkan ayaa kasoo bilaamay dhanka Buuraha Atlas ilaa Magaaladda taariikhiga ah ee Marrakech. Khasaaraha ayaa la filayaa in uu sare u kaco iyadoo samata-bixiyaayashu ay weli ku guddo jiraan sidii ay usoo badbaadin lahaayeen dadka ilaa hadda kujira gudaha guryaha dumay hoostooda.

Tiradda dhimashadda ilaa hadda la shaaciyey ayaa kor udhaafaysa laba kun oo qof (2,000 oo qof), Halka kumanaan kalana ay ku dhaawacmeen dhulgariirkan masiibadda ah. Cabirka dhulgariirkan ayaa lugu qiyaasay 6.8 halbeega dhulgariiradda. Dhulgariirkan ayaa lasheegay in uu yahay kii ugu weynaa ee kudhufta dalka Marooko muddo 120 sanno, waxaana uu gebi ahaanba dhulka lasimay dhismayaal adag oo kasameysan shub iyo dhagaxaan.



Dawladda ayaa ku dhawaaqaday saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah. Waxaana dalka soogaadhaya taakulooyin iyo mucaawino uga imanaysa dalka Islaamka iyo kuwa reer galbeedka. Sidoo kale dhambaalo loogu tacsiyadeynaayo Dawladda iyo Bulshadda dalka Marooko ayaa ka imanaaya waddamada islaamka.

Dawladda Soomaaliya iyo maamuladda kajira Soomaaliya Ayaan ilaa hadda laga haynin dhamaal tacsi ah oo ay udirayaan walaalahooda Dalka Marooko ee masiibaddu kudhacday.

Dhulgariiradda ayaa kamid ah dhacdooyinka ay ku cibro-qaataan dadka Islaamka ahi, iyadda oo hadii ay dhulgariiradu kordhaana ay ka dhigantahay in ay kamid tahay astaamaha lugu garanaayo in saacadii qiyaamuhu soodhawaatay.

Ilaahay ha u gargaaro Marooko iyo guud ahaan umadda Islaamka ah ee dhibaataysan

 

Post a Comment

0 Comments