WAXBARASHO

Friday, November 25, 2016

Jacaylkii Timo-dheer Haween Iyo Xurguftii Colaada Sokeeye Q.2aad W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Markiiba maskaxdayda waxaa kusoo deg degtay maanso macalinkaygii cabdilaahi si fiican uu iiga dhegaysan jiray muddo 8 sano kahor, markii aan ku jiray dugsiga dhexe anigoo xiligaas ahaa fasalka lixaad ee waxbarashada dhexe, waxaanan si fiican u sawirtay luuqdii farshaxanimada lahayd ee Maansadda uu ku tiriyey Abwaan Maxamed warsame HadraawiHablaha geeska afrika”.

Geedi isaga laftiisu dab yar ma shidaynin ee markiiba macnaha iyo xikmadda ayuu maskaxadiisa ku tuujiyey, suu isla markiiba ka qabsadday sangaabta gaaban oo uu ku celceliyey “Haddaan gabadhi boodayn, haddaan gabadhi boodayn, ileen gegi ciyaareed, ileen gegi ciyaareed, wax ma dhaanto giriyaad

Jacaylkii Timo-dheer Haween Iyo Xurguftii Colaada Sokeeye Q.1aad Muhiimada buugani waa dabar jarka colaadaha sokeeye ee waxyeelada u geystay guurdoonkii iyo geyaankii isjecelaa W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Laakiin Ogow  oo wali maan gaadhin u jeedadii aan u socoday mid kamid ah oo sitay toosh ayaa idhaha igag ifiyey, Si uu wajigayga u garto laakin, Aniga oo ah nin ku cusub geyigan misna Baqashada...........................................Sii Akhri

Tuesday, November 22, 2016

Siduu ahaa hasaawihii dhalinyartii hore Q.14aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Hadaynu milicsano Mala awaal dhex maraya laba dhalinyaro ah oo Muuqaal ahaan wakhtigaa jooga, markan waxaa loo badnaa Reer guuraa iyo xolo dhaqato,

Tuesday, November 15, 2016

AQOONSIGA MIYAA LA RAADIYAA MISE WAA LA KASBADAA?

In kasta oo aqoonsi yahaya garasho ama garwaaqsasho, khuseeyana xaalad , iyo in dadku sida ay u kala maskax badanyihiin, indheer garadsanyihiin, xogogaalsanyihiin wax uga sheegaan  Macnaha iyo Muhiimada uu leeyahay Kalmaddan “Aqoonsi”, waxaan qoraal yar oo kooban ku faaqid doonaa aqoonsiga ay jamhuuriyada Somaliland dal ahaan iyo umadd ahaanba raadiyaan.
................................................Sii Akhri

Maxamed Ibrahim Qabo Hogaamiyihii Midnimada iyo Horumarka Togdheer Q1aad W/q: Mr.Hamse Bashe Wiyeer

Dhalinyaradii soodhaweynta ka qayb qaatay oo ku asteeyey in Maxamed ibraahim yahay haldoor da’a ahaan dhalinyaro ah oo xambaarsan hamigii dhalinyarada reer togdheer.
.....................................................................Sii Akhri

Haasawaha (Shukaansigga) iyo Guurka Dhalinyaradda Q.13aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Hadaba hadii aynu hoos ugu daadagno hasaawihii dhalinyaradii hore ee somalidu siduu ahaa habkani wuxuu maraa dhawr marxaladood. Goobaha isbarashada iyo kala warqaadashada waxaa kow ka ahaa goobaha ciyaar gudka, ciyaar gudku waa goob rag iyo dumar iskugu yimadaan oo isku weydaarsadaan heeso isbarasho iyo hasaawe iskugu jira, badanaana waxaa ciyaaraha noocan ah raga guurdoonka ahi ka dul qabsadaan reer ........................................................... ....................Sii Akhri

Saturday, November 12, 2016

Doorka Waalidka Iyo Dugsiga Ee Ku wajahan Dhalinta yar-yar Q.12aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Hadaba aqoonta uu ubaahan yahay ilmuhu inta uu kujiro barbaarinta oo laga rabo waalidka iyo iskuulkaba in uu xoogga saaro waa maxay ?  Barbaarinta garaadka Ilmaha waxaa loo qaybiyaa labo qaybood  1.Dhanka aqoonta tooska ah : Aqoonta tooska ah Waxaan ula jeedaa midda leh meel ay kabi laabato iyo meel ay ku dhamaato taaso ah mid diiniya sida barashada quraanka iyo axaadiista ama mid maadiya oo kabilaabata fasalka 1aad ama xadaanada .............................................

Friday, November 4, 2016

Siddeed yoolkaaga uga dhigi kartaa mid rumooba???! Q.11aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Imakana aan tusaale u soo qaato odhaah ama halku-dhig laga dhaxlay mid kamid ah madaxdii ugu madaxa adkayd ee soo maray dalalka yurub waa Hidlar(Adof Hitler), hogaamiyihii Jarmalka, sidoo kale ahaa hogaamiyihii xisbigii Naasiga muddadii u dhaxaysay 1934-1945, maalin maalmaha ka mid ah isaga oo khudbad u jeedinaaya dhalinyaradii dalkiisa ayuu yidhi Nin labaatan jir ah (20 sano) oo Jarmal ah oo wax rumaysan oo wuxuu rumaysan yahay inuu gaadho aan doonaynin,

Wednesday, November 2, 2016

Doorka Maxamed Ibrahim (Qabyo-tire) Uu Ka Qaatay Taageerida Dadka Danyarta ah Ee G/togdheer Q11aad, W/q: Mr.Hamse Bashe Wiyeer-yare


Qormadeenan Maanta waxaan kusoo qaadan doonaa laba kamid ah waxqabadyadii todobaadkii tegay taariikhda u galay Gudoomiye Maxamed Ibraahim Qabyo-tire. Iyaga oo inta badan bulshada wanaaga iyo horumarka jecel ee Somaliland gaar ahaan muwadiniinta gobolka Togdheer ay amaan iyo mahadnaq joogto ah u jeedinayaan gudoomiye Maxamed Qabyo-tire ayaa inta badan labadii todobaad.

Qeex Yoolkaaga Oo Noqo Mid Nolosha Ujeedo Ka Leh Q.10aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

3.3.1  Sidaad Aqoon ku heli lahayd:
Igu horayn inta aanan gudo gelin mawduucan aynu isla qaadano wax ay tahay Cibaaddo, “Cibaado waa wax kasta oo allah jecelyahay oo raali kayahay ayaa cibaado layidhaahdaa In aynu kasoo baxno ayaa waajib ah”.