WAXBARASHO

Friday, August 31, 2018

Siyaasiyiin Caan ah Oo Naftooda kuwaayey Siyaasadii ay ku jireen (Shirqoollo dilal ah lugu fuliyey) Q2aad W/Q: Hamse Wiyeer-yare



3. Malcolm X (1965)
Malcolm X, sidoo kale waxaa loo yaqaanay Malcolm Little, waxa uu ahaa nin muslimka madow ee maraykanka kamid ah, wuxuuna ahaa Wasiir katirsan Xukumada Maraykanka , waana ka keliya ee ilaa maanta la aaminsanyahay in uu ka dambeeyey in Dadka

Thursday, August 30, 2018

Siyaasiyiin Ay Naftooda Galaafatay Siyaasadii ay ku jireen W/q: Wiyeer-yare


1.     Abraham Lincoln (1809 – 1865)

Abraham Lincoln waa madaxweynihii 16aad ee Dalka Maraykanka wuxuu dhashay 1809kii, waxbarasho rasmi ah muu baran laakiin wuxuu aqoon iyo khibarad u lahaa buugaagtii reer galbeedka, waxaana lugu tilmaamaa in uu yahay ninka ugu muhiimsan ee qabtay madaxtinimada dalka marykanka, waana madaxweynihii joojiyey adoonsigii dadka

Wednesday, August 29, 2018

Hadii Aad Todobadan Qodob Ku Dhaqantid Waxa Hubaal Ah In Guurkaagu Guulaysanaayo


Waxaan qormadan ku lafaguridoonaa toddoba qodob oo ku sahla inaad ku guulaysato guur wanaagsan oo raaxo leh, gaar ahaan fariintani waxay ku socota dhalinyarada iyo cidii aan weli guursan.

1:- Duco: ducadu waa hubka ugu wanaagsan ee wax walbla lagu heli

Tuesday, August 28, 2018

Waxay Ka Doorbidaan In Ubadkoodu Noqodaan Maal-qabeeno Xagii iyagu Noqon Lahaayeen


Shantii waalid ba mid ka mid ah, ayaa door bida in ubadkiisa noqdaan qaar nolosha ku guulaysta oo hantii yeesha, balse aan danayn in caafimaad iyo farxad ay ku waraan sida ay sheegtay cilmi-baadhis cusub oo ay sameeyeen khubaro Ingiriiska u dhalatay.

Iska Jir Meel Mugdi ah Haku Isticmaalin Qalabkan Hoos ku Qoran


Khubaro caafimaad oo u dhalatay dalka Ingiriiska, ayaa digniin ka soo saartay in iftiinka qalabada elektarooniga ee meelaha mugdiga ah lagu isticmaalo ay sababaan cudurka Kansarka.

Sunday, August 26, 2018

Cuntooyinka Soomaalidu Dhaqanka U leedahay Oo La Ogaaday Inay Ka Hortagaan Khatarta Kansarka


Cilmi-baadhis uu sameeyey dugsiga Caafimaadka ee Jaamacadda Harvard ee dlaka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in quudashada cuntooyinka hadhuudhka ah sida qamadida, arabakhida iyo garawgu ay ka hortagaan khatarta Kansarka, Wadno-xannuunka, Macaanka iyo xannuunada dheef mareenka ku dhaca

Friday, August 24, 2018

Layaabka Dunida :Hilibka Eeyda iyo Bisadaha oo si joogto looga cuno Shiinaha.

Dabaal-deg sannadeedka Hilibka Eeyda “The annual dog meat festival” ayaa lagu soo bandhigay Gobalka Guagxi Zhuang ee Koonfurta Shiinaha, iyadoo 10,000 oo Eey iyo bisado lagu gawracay maalmo gudaheeda.

Cajiib: Haweeney Lixdan Jir ah oo Guursaday Wiil yar Oo 9 Jir ah.


Wiil yar oo 9 sanno jir ah oo lagu magacaabo Saneie Masilela iyo haweeney 62 sanno jir ah oo la yiraahdo Helen Shabangu ayaa isku guursaday dalka Koonfur Afrika.Warbaahinta qaar ayaa da’da wiilka ku sheegay 8 sano, halka da’da

Tuesday, August 21, 2018

Juxa Iyo Da’diisa – Sheeko Qosol Badan


Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Juxaa waxaa soo martiyey niman saaxiibadiis ah, markaas baa Juxaa martidii si fiican u sooray isagoo cunto iyo cabitaanba siiyey.

 Markii la dhamaystay cuntadii baa sheeko la bilaabay, muddo ka dib baa nimankii mid ka mid ah weydiiyey Juxaa: “inteed jirtaa adigu Juxaayow”. “40 sano ayaan jiraa” buu juxaa ku jawaab celiyey. Cabaar ka dibna martidii waay iska tagtay.

Si Uu Bulshadda Magaaladiisa Wax Uga Ogaado Ayuu Iskaga Dhigay Dawarsadde Bilaa Guri Ah


Nin Muslim oo ah qorayaasha internet-ka wax ku daabaca (blogger), ayaa si uu qiimayn iyo xog u helo wuxuu xidhay khamiis, kadibna waxa uu dhex fadhiistay mid ka mid ah waddooyinka ugu waaweyn magaalada London ee dalka Ingiriiska, isagoo dawarsade iska dhigaya, waxaannu uga oo baxay xog aannu filayn. Ninkan tijaabada sameeyey oo magaciisu yahay Mr. Xassan Saleemi, waxa uu iska duubay muuqaal intii uu goobtaas fadhiyey. Waxa uu is hor qabtay boodh ay ku qornayd ‘I’m Homeless’ oo macnaheedu yahay hoy ma lihi amma bilaa guri ayaan ahay.

Monday, August 20, 2018

Geed Marka La Jaro Jiridiisa Dhiig Kayimaado (Geedka Dhiiga)


Geedka loo yaqaano Sandhal-watera ayaa marka la gooyo laamihiisa ama qayb kasta oo jiridiisa ah waxaa kasoo dareera dareerre sida dhiiga oo kale ah,

Friday, August 17, 2018

Madaxweynaha Turkigu Muxuu Ka Aaminsan Yahay Kala Korinta Caruurta Dhalanaysa


Madaxweynaha dalka Turkiga Mr. REcep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in kala korinta ubadku amma dawooyinka dhalmada fogeeya aanay ku habboonayn qoysaska islaamka, waxaannu muslimiinta ku dhiirrigeliyey in ay ubadka badiyaan, kana digtoonaadaan inay iska mudaan dhasha. Madaxweyne Erdogan waxa uu sheegay in ay tahay masuuliyadda hooyada inay hubiso in bulshada Turkigu korto amma badato, taasoo sannadihii u dambeeyey ay ku korodhay 1.3% korodh ah.

Thursday, August 16, 2018

Afar Dabeecadood Oo Bur-burin Kara Dhismaha Qoyska - Ka Hortag Inta Aanay Kugu Iman


Dhismaha qoysku waa seeska uu ka bilowdo dhismaha bulshadu, samaan iyo xumaan midkii galaana isaga oo sii weynaaday ayaa uu bulshada dhex tagaa oo mararka qaarkood uu noqdaa dhibaato bulsho oo xalkeedu adkaado. Qoyska dhimihiisu in uu waraao caqabado iyo

Xogta Dhacado London Ka Dhacaday Sanadkii Hore Oo Loo Bixiyey “Tuugonimadii Qarniga”


Wali booliska London waxa ay ku mashquul sanyihiin baadhitaanka waxa looo yaqaanno Tuuganimadii Qarniga . Boolsika Landon ayaa sheegaya inay heleen God laga qoday gidaar laguna tilmaamay in laga fuliyay tuuganimadii ugu layaabka badnayd qarniga.

Xogta Nin Magaciisa Oo Ah Sadaam Xuseen Ku Muteystay Haddidaad Iyo In Maxakam Lala Tiigsaddo


In ka badan 10 sano kadib markii la daldalay, Sadaam Xuseen, magaciisa waxa uu wali saameyn ku leeyahay nolosha nin ku nool dalka Hindiya oo ay isku magac yihiin. Injineerkan bartay dhismaha maraakiibta ayaa aabihii waxa uu ugu magc daray hoggaamoiyihii hore ee dalka Ciraaq Saddam Xuseen 25 sano ka hor. In ka badan 40 jeer oo uu shaqooyin dalbaday ayuu ku guul darreystay inuu helo wuxuuna aaminsan yahay in magaciisa uu sabab u yahay shaqo la'aanta haysato. Maxkamadda ayuu tagay si uu magaca isaga bedelo. Waxa uu maxkamadda ka dalbaday in magaciisa laga

Wednesday, August 15, 2018

Dhegayso Sheekh Aadan Sunne Oo Fariin Cod ah U Diray Madaxweyne Muuse Biixi Xili Uu Ku Xidhanyahay Jeelka Weyn Ee Hargeysa

Daawo Sheekh Aadan Sunne Oo Fariin U Diray Madaxweyne Muuse Biixi Xili Uu Ku Xidhanyahay Jeelka Weyn Ee Hargeysa, Sheekh Adan Sunne oo mudo badan oo sanad ah ku xidhnaa Jeelka weyn ee Magaalada Hargeysa isaga iyo dhalinayaro kale oo lugu eedeeyey falal argagaxiso, ayaa aad uga hadlay cadaaladda ka jirta Maxkamada Hargeysa ......................... Halkan Hoose Ka Dhegayso.

Wuxuu Ahaa Sabool Yaraantiisii Maantana Waa Dadka ugu Mushaharka Badan Adduunka (Pual Pogba)


Ciyaaryahanka Pual Pogba oo ay dhaleen qoys ka soo jeeda dalka Guinea (Ginni) ee qaaradda Afrika, waxa uu waqtigan ka mid yahay ragga qaata mushaharka ugu badan dunida amma ciyaaryahannada ugu qaalisan, balse waxa soo maray nolol aad u adag, taasoo la mid ah xaalad ay Soomaalidu u taqaan “Bakhtigaa u xalaal ah,” sababtoo ah sannado yar uun ka hor waxa uu ka mid ahaa dadka ugu saboolsan dunida.

Xogaha Qarsoon Ee Dagaalkii 1977kii Soomaliya Iyo Itoobiya Dhex Maray


Dagaalkii xoraynta somali galbeed wuxuu ahaa dagaal dhexmaray dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ujeedooyinkii dhaliyey ay ahaayeen khilaafaad ka taagnaa gobolka Somali galbeed ee Itoobiya ama soomalidu utaqaan Ogaadeeniya.

Tuesday, August 14, 2018

7 Sano Jir Oo Warqad Codsi Shaqo ah U Dirtay Shirkadda Google Iyo Jawaab Celintii ay Heshay


Gabadh 7 sanno jir ah oo lagu magacaabo Chloe Bridgewater, taasoo ku nool magaalada Hereford ee dalweynaha United Kingdom ayaa waxay soo jiidatay dareenka caalamka ka dib markii ay shaqo ka dalbata shirkadda Google. Ka dib markii ay aragtay xafiisyada qurxoon ee shirkaddan Google, gabadhan 7 sanno jirka ah ayaa go’aansatay inay warqad codsi shaqo ah u dirto guddoomiyaha Google iyadoo weydiisaneysa haddii ay shaqo siin karaan, sida

Weli Ma Is Weeydiisay Gabadha Soomaaliyeed Nin Ceynkee ah Ayey Jeceshahay? !!!

Nolosha maantu way ka duwanta sidii hore, sidoo kale gabdhaha maanta afkaartooda iyo waxa ay ku dooranayaan ninka ay rabaan way isbadashay, waagi hore waxa ugu muhiimsan ee ay ku dooran jirtay ninka waxay ahayd waa inuu taajir ahaadaa, si uu usiiyo gabadha nolol raaxa leh, yeelatana shaqaalo iyo baabuur iyo guri, wali way jiraan gabdho saas u fakaraya laakiin ma badna sidii waagi hore.

Maxaad Ka Taqaanaa Nolosha Uu Ku Nool Yahay Qofka La Cidleeyay Sida Single Mother-ka..!!


Intaan u gudbin jawaabta badanaa laga bixiyo su’aashaan, aan iftiimiyo sida eraygaan loo yaqaano hooyada kaliya oo ubadakeeda daryeesha iyada uun ugu so badatay bulsha soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada reer galbeed, markii hore eraygaan waalidka kaliga ah ee ilmahiisa korsada aad loogama aqoon jirin bulshada soomaliyeed ama aad ugu yaraan jiray waayihii hore ee bari samaadka.

Monday, August 13, 2018

DAAWO FADLIGA SOONKA 9KA BISHA CARAFA IYO AXKAAMT CIID SH MAXAMED UMAL

Halkan ka daawo Fadliga Soonka 9-ka Bisha Carafa Iyo Axkaamta Ciida, Soonka Maalinta carafo waxa uu illahay adoomadiisa sooma ugu deeqayaa in laba sano ugu dembi dhaafo........................ Halkan Hoose Ka Daawo 

Sunday, August 12, 2018

Shan Calaamadood Oo Aad Ku Garan Karto Inaad Haaysato Saaxiibtinimo Waarto.


Qormadan oo uu Kobciye ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah halbeegyada ay xeeldheerayaasha cilmiga bulshadu aaminsan yihiin in lagu dhererin karo saaxiibtinimada si loo kala garto midda danta ku dhisan iyo saaxiibtinimada waarta ee runta ah.

Halkudhegyo Xikmad Iyo Cibaaro U Ah Isfahamka Ragga Iyo Haweenka


– Ninka gabadh qurux badan jeclaada fannaan ayaa ay ka dhigtaa (Jacaylkeeda heesaha uu u qaadayo), ninka gurusadana shaqaale weyn ayaa ay ka dhigtaa.
– Malo-awaal ayaad ku nooshahay haddii aad ismoodsiiso in furaha aad gurigaaga ku xidhay aanay jirin cid kale oo kula haysataa.

Saturday, August 11, 2018

7 Arrimood Oo Hadaad Subax Kasta Samayso Kaa Ridaya Miisaanka Jirka Iyo Caloosha

Korodhka miisaanku waxa uu ka mid yahay dhibaatooyinka ugu badan ee dunida maantu ka cabato, maadaama oo uu culays ku hayo caafimaadka bulshada iyo dhaqaalaha qaranka labadaba.  Waxaa iyaduna garab socota in dadku ay ku

Friday, August 10, 2018

MA WADA XAMAALANAA - SIDDA LACAG LOOGA HELO INTERNET-KA


Nabad idil ahaantiinba, ii ogolow inaan kula wadaago qayb kamid ah fikradaha aadka u kala duwan ee aan kala kulmay intii aan ku jiray aaladda internetka, oo aan bilaabay isticmaalkeed 2004, hal fikir oo faaido iyo waxtar leh ayaan kusoo qabanayaa, taas oo ii suurto gashay sanadkii hore ee 2017, waana "Sida lacag muuqata looga sameeyo Internet-ka",

Qaado Talooyinkan Muhiimka Si Aad Jidhkaaga Uga Ilaalisid Gabow-ga Deg Degga ah


La dagaalanka calaamadaha gabowga oo inta badan dadka ku bilowda da’da afartanaadku waxa ay ka mid tahay arrimaha kharashaadka ugu badan dunidu ku bixiso. Kiriimo, farsamooyin qurxineed iyo qalniinno dhammaantood lacago badani ku baxaan ayaa ay dadku kula tacaalaan. Qormadan waxa aynu ku soo qaadanaynaa

Wednesday, August 8, 2018

Xikmaddo Iyo Hal-kudhigyo Laga Qoray Dad Hore Oo Adduunkan Soo Maray


Qormadan waxa aynu ku eegaynaa hadallo xikmad ah oo laga soo xigtay dad taariikhda dunida caan ku ah:
– “Weligayba ujeedkayga kama aan baydhin. Waa uun dhowr tallaabo oo aan dib u faagtay, si aan bootintayda u dheereeyo” Sigmund Frued. Guuldarradaada u

Qalanjada Kuuma Qalanto Ane Ii Qeybsami Meeyso Sheeko Cajiib Ah ’ Qeybtii 1aad & Qalinkii WaaSuge”

Aduunyadu waa filim socda oo qof walbaahi qeyb ku leeyahay, hadaba aqristoow ku soo dhawaada sheeko ugub ku ah shabakada KobCiye.Com isla markaana aan filaayo in indho fara badan ku noqon doonto ugub, waayo sheekadaani qaybaheeda kala duwan waxaad ku arki doontaa, hadii aay qayaano jirtay, hadii qof la tunto xaquuqdiisa iyo waliba, qof la aaminay balse isu qoondeeyey waxii lagu aaminey, yaanan ka hor dhicin hadba meesha aay nala gaadhi doonto sheekaduye la socosho wanaagsan habeen kasta oo axadi soo galeyso.

Tuesday, August 7, 2018

Xog Laga Helay Xusuusta Dumarka Iyo Waxa Ay Kaga Duwanyihiin Ragga

Maxadka waddaniga ah ee caafimaadka ee dalka Sweden ayaa isaguna caddeeyey in qofka oo hurdo ku filan qaadan waayaa ama isaga oo hurdo intii uu u baahnaa ka badan seexdaa ay saamayn ku yeelato dabeecadda qofka, isla markaana keento khataro caafimaad oo ay ka mid

Sheeko Aad U Qiiro Badan (Calaf Iyo Jacayl) !!



5:00 galabnimo ayey si kadisa u kulmeen khaalid iyo hoodo, islamarkaa waxay ku kulmeen goob hotel ah oo uu khaalid ka shaqayn jiray wuxuna ka ahaa (witer) mudalab.
 khaalid wuxu ahaa wiil aad u wanaagsan wuxuna ka mid ahaa aradayda loogu jecelyahay jaamacada, khaalid waa bulshaawi xadaari ah, khaalid waa danyar balse kama muuqato oo qalbiga ayuu qani ka yahay, khaalid galinka hore wuxu tagaa jaamacada galinka dambana wuxu ka

Monday, August 6, 2018

DAAWO: Su'aalo Layaab Badan Oo Kusaabsan JACAYLKA Iyo Fikirka Dhalinyaradda HARGEYSA

DAAWO: Su'aalo Layaab Badan Oo Kusaabsan JACAYLKA Iyo Fikirka Dhalinyaradda HARGEYSA, Su'aalahan ayaa inta badan ka dhex dhaca Bulshada gaar ahaan Dhalinyaradda, Barmaamujkan waxaa inoo soo gudbinaaya Wariye Xasan Dun-carbeed, Ku Xidhnow Waayahan

Wednesday, August 1, 2018

Wareysi Isku Bedelay Shukaansi - Xiisaha Maanta

Daawo Barmaamuj Xiiso badan oo isku bedelay Shukaansi, Wiil Fanaan ah oo ay Jecelaatay Iglan, Iglan ayaa su'aal duur xul ah weydiisay fanaankii, Dhacdo naadir ku ah bahada Weriyayaasha